Kulan looga hadlaayay sidii looga hortagi lahaa wasakhynta deegaanka ayaa ka qabsoomay ismaamulkan diri dhabe.

0
116

Dood cilmiyeed ku saabsan dhibaatooyinka isbadilka cimlada oo u ugu horeeyo waskhda sida masuuliyad darada ah deegaanka loo wasakhaynaayo oo ay kasoo qayb galeen qaar ka mid ah bulshada ismaamulka, masuliyin iyo waliba xubno kala duwan oo ku caan ah dhinacyada fanka ayaa wuxu ka qabsoomay hoolka shirarka ee hudheelka triangle.

Xuska maalinta deegaana oo si heer caalami ah marki 46aad la xusaayo ayaa si heer qarana loo xusaaya arkisi 26aad ismaamul ahaana marki 16aad ayaa la xusayaa sannadan iyadoo halkudhag looga dhigay sanadkan ‘’han ka hortagno wasakhaynta deegankeena’’ ayaa waxaa furitaanki dood cimiyeedkan hadalo kasoo jeediyay madaxa xafiiska xisbiga EPRDF mudane buruk gisaw ayaa sheegay in ilaalin la`aanta deegankeenu uu noo horseeday in aan gacmaha hoos dhigano wadamada gargaarka bixiya iyadoo ayna arinkaasi nagaga baxayn wax aan awoodi Karin oo loobahan yahay oo kaliya in aan si wada jir ah aan deegankeena u ilaalshano anago ka ilaalinayna wasakhaynta iyo waliba xaalufinta dhirta.

 

Dhanka lale waxaa isagna hadal kooban kasoo jeediyay goobtasi madaxa xafiiska ilaalinta deeganka ee ismaamulkan diri dhabe mudane aadan maxamed oo sheegay in la wado hawlo isku dhaf ah oo ku eedan sidii looga hor tagi lahaa isbadilka cimlada wuxuna sheegay in ay bulshadu ku baraarugsanaato ilaalinta deeganka.

Ugu danbayntii ayaa waxaa la bilaabay dood cilmiyeedki iyadoo barnaamijkasi qayb ka ahaayeen waydiimo iyo warcelin loosoo diyaariyay arday iyo waliba abaal gudyo lasiiyay madaxdi hada ka hor kasoo shaqayn jirtay xafiiskan ilaalinta deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here