Waxaa la sheegay in 9ki bilood ee lasoo dhafay uu ismaamulku la uruuriyay dakhli dhan 697 milyan oo birr taasina waxay ka dhigaysa in qorshihi dakhli uruurinta laga midho dhaliyay boqolkiba 87.6

0
83

Waxaa la qabtay kulankii caadiga ahaa ee golaha baarlamaanka ee ismaamulka iyadoo uu ahaa kii 42aad ee caadiga ahaa ayaa waxaa lagusoo ban dhigay warbixinti waxqabadki 9ki bilood ee lasoo dhaafay oo uu sooban dhigay kuxigeenka duqa ismaamulka mudane mahdi giire.

Sannad miisaniyeedkani sii gaba gaboonayaa ee 2011 TI  ayaa waxaa la qorsheeyay in dakhli dhan  796,750,013 oo birr lasoo uruuriyo waxaana la sheegay in qorshahaasi dhexdisa lasoo uruuriyay 697,522,868 oo birr tasina waxay ka dhigaysaa in qorshihi boqolkiba 87.55 la hir galiyag.

Golaha ayaa waxaa labadi maalmood ee uu socday shirkani lagu ansixiyay oo wakhtiga loo kordhiyay xafiiska maamulida dhulka iyo bixinta oo hoos taga xafiiska maaraynta dhulka ee ismaamulka iyado sanada 2012 ay sii socon doonto shaqadisu.

 

Dhanka kale golaha ayaa wuxu magacaabay masuuliyin kala duwan oo uu ugu horeeyo kuxigeenka af-hayeenka golaha oo loo magacaabay mudane cabdusalam maxamed iyo waliba hogaanka xafiiska biyaha beeraha,macdanta iyo tamarta ee ismaamulka mudane ibraahim yuusuf sidoo kale waxaa la buuxiyay gudiyada joogtada ah ee golaha xubnihii ka maqnaa iyadoo maareeyaha idaacada diri dhabe si cusub loogu magacaabay mudane cabdusalam maydhane.

Warbixinta ayuu duqu ku shaaciyay in dhalinyarada shaqo la`aanta ah ee laga duwaan galiyay qabaleyada magaalada iyo miyyiguba ay gaadhayaan 19 kun oo qaf intaasi gudahee4755 qof loo abuuray fursado shaqo oo kala duwan taasina waxay ka dhigantahay boqolkiba 42 in la shaqo galiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here