Tobobar ku eedanaa sidii boordhiyada iidheda ee lagu dhajiyo wadooyinka ayaa uu qabtay xafiiska warfaafinta ee ismaamukan diri dhabe.

0
97

Tobobarkan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyinta 9ka qabale ee magaalada iyo waliba laamaha amniga ayaa lagu qabtay hudheelka triangle iyadoo uu ahmiyadiisu ahayd sidi kor loogu qaadilahaa bilicda magaalada iyadoo wakhtiyadani danbe ay kusoo badanaayan boordhiyada lagu taago fayyada wadooyinka.

Hadaba tobobarkan ayaa furitaankisi waxaa gobjoog ka ahaa mudane mika`el oo ah gadhwadeenada xafiiska warfaafinta ismaamulkan diri dhabe waxdisa dabagalka warbahinada iyo waliba ruqsad siinta cida rabta in ay boodha ku xayaysiisato wax soosaarkeeda ama adeega ay bixiso wuxuna sheegay in uu tobabarkani uu yahay mid looga gol`leeyahay sidi ay masuuliyinta qabaleeyadu ugu baraarugsanaan lahaayeen ugana hor tagi lahaayen boodhadh sida sharci darada ah loogu dhajiyo wadooyinka.

 

Mudane taku oo ah khabiir ka hawlgala xafiiska warfaafinta ismaamulkan diri dhabe oo tobobarkani siinaayay ayaa sheegay in qorshihi u yaalay xafiiska ee ahaa in lacag dhan 200 oo kun laga soo hooyo ruqsad siinta taabeeloyinka iidhehda ee wadooyinka lagu dhajiyo ayaa hada wali boqolkiba wax aan dhanayn 40 maraaya taasina waxay sobobtu tahay in uu xafiisku lahayn shaqaale u qaabilsan shaqadasi dabagalka ayna wali tobobar caynkan oo kale ah ay u qaban masuuliyinta qabaleyada si ay ugu baraarugsanaadan hawshan dhibaatada ka dhalan karta oo uu ugu horeeyo shilalka gawaadhida iyo waliba bilic lumis ku timaada wadooyinka magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here