Munaasibad si heer sare ah losoo agaasimay oo loga gol lahaa barnaamijka bill aha ee ololaha dakhli uruurinta ayaa lagu qabtay hoola shirarka ee golaha barlamaanka ismaamulka.

0
107

Munaasibadan oo ay kasoo qayb galeen masuuliyin heer sare ah oo uu ugu horeeyo wasiru dawlaha wasaarada dakhliga ee dalka,kuxigeenka duqa ismaamulka mudane mahdi giire iyo waliba madaxa xafiiska dakhliga ee ismaamulka mudane khaalid maxamed iyo ganacsatada, aabayaasha diimaha iyo odayo dhaqameedyada iyo marti sharafeed kale ayaa waxaa lagu dhaqaajiyay ololaha dakhli uruurinta oo socon doona mudo bil ah.

Hadaba waxaa qudbado kala duwan goobtaasi ka jeediyay masuliyinti kasoo qayb gashay kulankan oo uu ugu horeeyo wasiru dawlaha wasaarada dakhliga ee dalka mudane cabdo …..oo sheegay in uu dalkeenu wakhtigan lajoogu uu u bbaahan yahay dakhli ka fayaw musuqa iyadoo baahida dalku wakhtigan ay kor uga sii kacday xalkay hada ka hor ahayd wuxuna intaasi ku daray in bishii tahasaas la dhaqaajiyay qorshaha qaran ee dakhli uruurinta ee guud ahaan dalkoo dhan laga biaabay isagoo sheegay in laga helay natiijo wanaagsan.

Geestisana kuxigeenka duqa mudane mahdi giire ayaa sheegay in uu ismaamulku u baahan yahay dakhli kaasi oo sanadadii hore si buuxda looga midha dhalin qorshihi u yaalay dakhli uruurinta wuxuna intaasi ku daray in ay ganacsatada magaaladan diri dhabe ay dhaqan ka dhigtaan bixinta dakhliga si kaabayaasha dhaqaalaha ee ismaamulka iyo kuwa dalkuba ay dhaqaale daro u istaagin waa in ay sii xoojiyaan dakhli bixinti iyagoo la dagaalamaaya musuqa iyo lunsiga hantida dawlada iyo ta shacabkaba.

 

Sidoo kale madaxa wakaalada dakhliga ismaamulka diri dhabe mudane Khalid maxamed ayaa sheegay in qorshihii dakhli uruurinta ee sanadii lasoo dhaafay la hir galiyay 73 boqolkiba iyadoo hadana lagu talo jiro in ololahan bisha soconaaya lagusoo hooyo dakhliga intiisa kale iyadoo wacyi galino kala duwan lasiin doono bulshada magaalada iyo waliba ganacsatada kala duwan eek u hawlan soodajinta iyo iibinta badeecadaha kala duwan.

Munaasibadani dakhli uruurinta oo halkudhag looga dhigay  waan gudan ikhtiyaarkaygana waan waydiisan ayaa mudada bisha ah ee soo socota siyaabo kala duwan oo iskugu jira tartan isboorti iyo waliba kuwo kale oo aqooneed ba lagu qaban doona ismaamukan diri dhabe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here