Waxaa siyaabo kala duwan lugu xusayaa ciida ciidul fidriga ee sannadkan 1440 T.H

0
79

Munaasibad ay si wada jir ah usoo wada diyaariyeen xafiiska warfaafinta iyo arimaha dawlada iyo waliba warbaahinta ismaamulkan diri dhabe iyadoo looga gol lahaa in lagu wayneeyo munaasibada ciidul fidriga ee sannadkani hijrada noqon doonta tii 1440aad waxaana munaasibadan oo iskugu jirta afur iyo casho lagu qabtay hudheelka ras hotel iyo waliba goobo kale oo kala duwan.

 

Munaasibadan oo lagusoo marti qaaday masuliyinta ismaamulka iyo waliba aabayaasha dimaha kala duwan, dhalinyaro iyo kooxaha fanka ayaa waxaa qudbadi furitaanka kasoo jeediyay wakilka duqa ismaamulka ahna hogaanka xafiiska maaliyada ee ismaamulkan diri dhabe mudane suldan caliy oo sheegay in bulshada muslimku ay bishi ramadaanka ay soo soomanaayeen samayn jireen afurin ay afuriyaan dadka taagta daran waxaa kale oo aan la ilaawi Karin in qoomiyadaha walaalaha ah ee hada kahor xurguftu soo kala dhex gashay ay si diinta iyo dhaqamadaba waafaqsan ay usoo ceshadeen walaaltinimadoodi iyago wadooyinka magaalada ku qabsanaayay barnaamijyo afur iyo casho ah waxaana loo bahan yahay in taasi lasii xoojiyo si ay nabad galyada aan bishani ku naaloonayno aan uga midha dhalino.

 

Dhanka kale aabayaasha diimaha oo uu ugu horeeyo sh/ ayub xassan ayaa sheegay in diinta islaamku ay tahay diin nabada ah oo dhamaan umada muslimku ay taasi si wanaagsan u adkeeyaan wuxuna uu ilahay uga mahad celiyay nabad galyada iyo xasiloonida hada ka jirta ismaamulkan diri dhabe.

Geestiisana waxaa ka hadlay goobtasi baadariga diinta kiristanka oo isagna soo dhaweeyay ciidan ciidul fidriga isagoo ku hanbalyeeyayciidan oo ah tii 1440aad.

Munaasibadan ayaa waxaa lagusoo bandhigay barnaamijyo kala duwan oo madadaalo iyo fariimo lagu xoojinaayo is dhexgalka bushada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here