Kulan looga hadlaayay amaanka magaaladani diri dhabe ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee duqa ismaamulka.

0
55

Laamaha amaanka iyo ismaamulka Diridhabe ayaa sheegay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono kooxaha ku lugta leh isku dhacyada sida isdaba jooga ah ugu soo noqonoqda qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada.
Waxaa maanta galinkii hore lagu qabtay madasha shirarka

ee hoolka xafiiska maayarka kulan ay kasoo qayb galeen madaxda ismaamulka,taliyaha ciidanka qaranka ee bariga dalka,odayaal dhaqmeedka,haweenka iyo dhalinyarada oo looga hadlayo sidii xal kama dambays ah looga gaadhi lahaa dhibaatooyinka amni xumo ee magaalada ka taagan.

Kulankan oo si qoto dheer leh layskula qaadaa dhigay dhibaatooyinka amni xumo,ayaa waxaa laysla qaatay in ilaa maalinta axada ah la qabto kulamo looga hadlayo xal uhelista isku dhacyada soo noqnoqda ee magaalada ka taagan,balse hadii loo maaro-waayo in dawladu ay qaadayso tallaabo kasta oo sharci ah oo lagu sugayo amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here