Kulan ay soo diyaarisay wasaarada nabada oo ay kasoo qayb galeen madaxda sar sare ee shanta deegaan ee bariga dalka ayaa ka qabsoomay ismaamulkan diri dhabe.

0
116

Kulankan oo lagaga wada xaajoonaayay amaanka bariga dalka ayaa waxaa warbixin kasoo jeediyay abaan duulaha ciidanka qaranka waxdooda bariga dalka mudane mejer janaral sawdhu balay ayaa sheegay in ay guud ahaan jiraan hawlo lagu xasilinaayo amaanka deegaanada bariga dalka oo ay meelihi ugu badnaa ee ay ka socdeen dagaalada qoomiyadaha isla daga iyo waliba dagaalo kale oo qabaa`ilo oo ka dhaca isla goobaha ay ku badan yihiin xoolo dhaqatadu.

Geestooda waxaa warbixino kookooban kasoo jeediyay isla deegaanadooda madaxwaynayaasha deegaanada soomaalida oromara, hararida, canfarta iyo duqa ismaamulkan diri dhabe waxayna sheegeen in ay socdaan dadaalo lagu xasilinaayo deegaanadooda iyadoo madaxwaynaha deegaanka soomaalida mudane mustafe maxamuud cumar uu sheegay in loo baahan yahay in dib loogu noqdo go`aanki 3 qabale ee hada kahor la hoos geeyay deegaanka canfarta oo dhamaantood wada soomaali ah hadana ka cabanaaya dhibaatooyin dhanka baahiyada xaasaasiga ah oo uu cadaadis aad u balaadhan uu uga imaado dawlada deegaankasi.

Dhanka kale waxaa fikiradooda iyo waxqabadkooda dhanka amaanka soo jeediyay madax waynayaasha hararida iyo oromada oo sheegay in ay dawladu hada kaddib u dul qaadan doonin kooxaha ama shaqsiyaadka isku daya in ay carqalad ku noqdaan hawlaha dawlada iyo waliba amaanka iyagoo dawlada fedaraalka la kaashanaya.

Gaba gabadi kulankani ayaa waxaa hadal goobaabo iyo dhaliilo iskugu jira kasoo jeediyay itaamajoorka ciidanka qaranka mudane saxare mokonin oo sheegay in loo baahan yahay uu ciidanka qaranku haddeed qaado talaabooyin ka dhan ah dadka khal khalka galin raba amaanka dalka isagoo intaasi ku daray in hadda ay al shabaab soot obo barayso ciidan ay rabto in ay amaanka dalka ku khal khal galiso iyadoo adeegsanaysa mawaadiniinta dalkeena ayna badishay istaraateejiyadoodi hore ee ahayd in ay soomaali oo qudha soo adeegsado hadana waxay tobobaro kala duwan soo siiyeen dadka tahriibka uga baxaya dalka oo qoomiyad kasteba leh.

 

Ugu danbayntii ayaa waxaa makarafoonka la wareegtay wasiirada wasaarada nabad galyada marwo mufriyaat kaamil oo sheegtay dhibaatooyinka iyo qul qulatooyinka ka dhacaya xuduudaha deegaanada ee ay ku bara kacayaan bulshadu inihii ugu danbeeyay waay soo yaraadeen lakin maahin in la idhaahdo oo qudha way soo ayaraadeen ee waa in dedaalo badan lagaliyo sidii looga shaqayn lahaa xasilinta iyo waliba dib u celinta dadki kasoo baro kacay dhulki ay daganaayeen waxaana in hanbalyo loo jeediyo ah ciidanka qaranka oo ka dhaliya xasilooni goobaha ay rabshaduhu ka jiraa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here