Waxaa si diiran lagu sabootiyay luusi oo todobaadkani maalmihi ugu danbeeyay ku sugnayid ismaamulkan diri dhabe.

0
127

Luusi oo ah sida uu aaminsan yahay cilmiga saynisku gabadhi ugu horaysay ee dunidan ku noolayd lafaheedi oo sida la aaminsan yahay 3.2 milyan oo sano ka hor ku aasnaa deegaanka canfarta oo laga helay lafo badan oo lagu tilmaamo in ay yihin dadki ugu horeeyay ee dunidan ku noolaa in ay kasoo jeedeen dalkeenan itoobiya.

Haddaba waxaa bishani magaalooyinka waaway ee dalkeenan booqasho si heer sare ah looso agaasimay ka wada guddi nabad galyada iyo wada noolaanshiyaha qoomiyadaha dalka waxaayna socdaalkoodani ay kazoo bilaabeen magaalada samara ee xaruunta u ah deegaanka canfarta iyadoo soo martay magaalooynka jigjiga iyo harar ayaay maalmihi ugu danbaysay ku sugnayd magaaladeenan diri dhabe waxaana intay joogeen guddigani ay shacabka ku dhiirigalinaayeen ilaalinta nabad galyada iyo wada noolaanshiyaha  oo ay adkeeyaan shacabka ismaamulkan diri dhabe.

Maalmahi ay joogeen guddi waxay jaamacada diri dhabe kusoo ban dhigeen qooraalo kala duwan oo ka hadlaaya isla noolanshiyaha iyo qiimaha nabad galyadu ay leedahay iyadoo ay ardayda jaamacadaasi iyo maamulkooduba ay si diiran uga soo qayb galeen kulanadasi ay nabada kaga hadlaayeen guddigani heerka qaran ahaa.

Ugu danbayinti ayaa waxaa si diiran looga sabootiyay gagada dayuuradaha ee ismaamulka iyadoo ku wajihan magaalada hawaasa ee xaruunta u ah deegaanka koofurata dalkeena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here