Gudiga joogtada ah ee maaliyada iyo dhaqaalaha ee golaha barlamaanka ismaamulkan diri dhabe ayaa qiimeeyay misaaniyadaha xafiisyada ismaamulkan diri dhabe.

0
71

Gudigan oo mudadi ugu danbaysay kormeer kusoo maraayay xafiisyada soona indho indhaynaayay hab u shaqaynta xafiisyada iyo waliba qaabka ay u isticmaalaan misaaniyadaha loo qoondeeyay iyagoo warbixino ka uruuriyay madaxda xafiisyada ay soo kor meeren iyo waliba xafiiska dabagalka iyo xisaabinta maaliyada.

Haddaba todobaadki ugu danbeeyay ayaa waxay soo diyaariyeen qiimayn ay ku eegayaan xafiisyada ay ka Helen mad madaawga iyo hoos udhaca qabka ay ugu shaqayaan misaaniyada loo qoondeeyay.

Kadib qiimayintasi socotay todobaadka ayaa waxaa warbixin naga siiyay gudoomiyaha gudiga joogtada ee golaha baarlamaankan ismaamulka oo u qaabilsan maaliyada iyo dhaqaalaha mudane sintayo maamo wuxuna warbaahinta u sheegay intay ku guda jireen qimayntan In ay baadheen 10 xafiis oo ay usoo gudbiyeen xafiiska dabagalka miisaniyadaha ee ismaamulka wuxuna sheegay in ay badankood qiimayntaasi ka gudbeen kasakaw qabaleeyada 02 iyo 05 oo ay ka muuqan cad cadi dhanka miisaaniyada ah wuxuna sheegay in ay mudo 10 maalmood ah ay siiyeen sidi ay usoo buxin lahaayeen xisaabaadka xafiiskaasi ee ay hada u haynin cadaymo meelaha ay kubaxeen.

Gudoomiyaga gudiga ayaa sheegay in ay todobaadada soo socda ay inta xafiis ee hadhayna ay qiimayn doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here