Golaha wakiilada ismaamulkan diri dhabe ayaa yeeshay shir dagdag ah oo magacaabis kala duwan lagu ansixiyay

0
69

Wakhtiyadi ugu danbeeyay ayaa waxaa ismaamulka ka jiray xurgufyo salka ku haya siyaasado kala duwan kuwaasi oo ay dad badani ay ku naf waayeen qaar kalena ay hantidoodu kaga luntay waxaana badankood la`la xidhiidhiyay dhibaatooyinka ka jira dhinacyada maamulka suuban iyo ku xadgudubka sharciga dalka.

Golaha wakiilada shacabka ismaamulkan diri dhabe ayaa manta shirkani ku doortay maayer cusub iyo sidoo kale afayeen qaar kamid ah golaha kaabineedkana waxaa lagu sameeyay isbadilo kala duwan.

Haddaba waxaa kuxigeenka maayarka ahna siihayaha maayarnimada ismaamulka loo doortay mudane mahdi giire oo ah shaqsi hada kahor kasoo shaqeeyay goobo kala duwan masuuliyadna kasoo qabtay waxaana ka mid ah goobahaasi jaamacada jigjiga oo uu macalin iyo masuuliyado kala duwan kazoo qabtay iyo waliba kuliyada farsamada gacanta ee deegaanka oo uu maareeye kasoo ahaa. Kasokow waxaa afayeenka golaha barlamaanka ee ismaamulkan diri dhabe loo magacaabay mudane cabdala axmed oo hada ka hore kasoo shaqeeyay jagadan ayaa wuxu xilka kala wareegay mudane khadir jawhar oo isagana hada loo magacaabay kuxigeenka duqa ismaamulka ahna madaxa xafiiska ganacsiga, warshadaynta iyo maalgashiga.

Mudane mahdi giire oo ah kusimaha duqa ismaamulka ayaa marki xilka loo dhaariyay soo magacaabay kolahiisa kaabineedka waxaana uu u dhigay sida tan marwo muluka maxamad madaxa xafiiska waxbarashada, marwo faduma mustafe madaxa xafiiska haweenka iyo dhalaanka, mudane muuse daaha hogaanka xafiiska nabadgalyada iyo cadaalada sido kale mudane cabdusalaan axmed ayaa loo magacaabay madaxa xafiiska beeraha,biyaha iyo macdanta ee ismaamulkan diri dhabe .

Ugu danbayintii ayaa wuxu mudane mahdi giire sheegay in uu ka shaqayin doono dib usoo celintii amniga ismaamulka iyo hagaajinta dhibaatooyinka maamulka suuban ee ismaamulkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here