XAFIISKA WAX BARASHADA EE ISMAAMULKA AYAA SHEEGAY IN UU DIYAARIYAY QORSHAHA GURYAHA LAGU SIINAAYO BARASHAASHA ISKUULADA DAWLADA EE ISMAAMULKAN.

0
77

Hogaanka xafiiska wax barashada ee ismaamulka mudane cabdujawad maxamed oo shir jaraa`id ku qabtay xafiiskisa ayaa sheegay in ay soo gaba gabeeyen wareegi hore ee wada xaajoodka barnaamijka cusub ee wax barshada lagu hagi doono sannad danbe iyadoo bishan tahasaas lasoo gaba gabayin doono wada xajodkasi dhamaanti wuxuna tilmaamay in ay wada xaajodkani ay kasoo qayib galeen qayibaha kala duwan ee bulshada, masuuliyinta dawlada, walidiinta iyo ardayda dugsiyada gaar ahaan ardayda ka saraysa fasalka 7aad.

Sidoo kale wuxu mudane cabdujawad uu caab baabay in ay diyaariyeen qorshaha ay macalimiinta ismaamulku ay ku heli lahaayen guryo wuxuna sheegay in ay diyaariyeen qaybo kala duwan oo dhismayaasha guryaha la siin doona macalimiinta naqshadooda iy goobta laga dhisi doono.

Xafiiska ayaa bishan gudaheeda sidoo kale diyaarinaayay xuska maalinta caalamiga ee waxbarashada iyadoo siyaabo kala duwan loo xusi doono waxaa ka qayb noqon doonta in ay maalintaasi dadka laga dhex garnaayo bulshada eek ala ah maal qabeenada, masuuliyinta, siyaasiyinta iyo waliba dadka caanka ku ah ciyaaraha isboortiga ee u dhashay ismaamulkan diri dhabe iyagoo tagi doona iskuuladi ay wax ka soo barteen oo maalintasi la wadaagi doona ardayda marxaladaha ay u soo mareen in ay manta gaadhan xalka ay joogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here